Mas’uul oo Farmaajo Xilka Ka Qaday Labo Maalin Ka Hor oo Xil Cusub Loo Magacaabay

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan  ayaa xil u magacaabay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo labo maalin ka hor laga qaaday xilka Taliye kuxigeenka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha  sidoo kalana ah Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in C/qaadir Maxamed Nuur loo magacaabay La Taliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo Taliye kuxigeenka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa ah saaxiibo dhow waxayna kasoo wada shaqeeyaan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turky-ga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here