Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa xil u magacaabay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo labo maalin ka hor laga qaaday xilka Taliye kuxigeenka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha sidoo kalana ah Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in C/qaadir Maxamed Nuur loo magacaabay La Taliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo Taliye kuxigeenka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa ah saaxiibo dhow waxayna kasoo wada shaqeeyaan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turky-ga.


