Al-shabaab oo Weeraray Hoteel ay Dagaanayaeen Mas’uuliyiin

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in Al-shabaab xalay weerar qorshaysnaa ay ku qaadeen Hoteel ku yaala degmadaas.

Sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen weerarkaan ayaa ku bilowday Bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxaana xigay dagaal dhexmaray Ciidamadda Al-shabaab iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in  hotelkan ay weerareen inay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo saraakiil ciidan.

Ilaa hadda si dhab ah looma Oga khasaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka ku yaalla magaalada Baraawe.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Maamulka Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose aynu la xiriirnay way gaabsadeen in ay ka hadlaan weerarkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here