War Deg Deg:-Duqeyn Iyo Dagaal Ka Socda Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0

Wararka ka imaanaya  Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamadda Mareykan-ka ay wehliyaan kuwa Danab ay goordhaweyd weerar ku qaadeen fariisimo ciidamadda Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Basra ee duleedka Degmadda Balcad.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka weerarka ayaa isugu jiray duqeyn dhanka cirka ah,iyo dagaal u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamadda Huwanta ah.

Waxaa la xaqiijiyay in madaafiic xoogan ay ku dhaceyn saldhigyadda Al-shabaab ee deegaanka basra,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya xili todobaadkii aynu soo dhaafnay Ciidamadda Huwanta ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Shabab ay ku lahaayeen deegaanka Basra ee duleedka Degmadda Balcad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here