Ciidamadda Xoogga dalka ayaa gacanta ku dhigay rag ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 12-ka April ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shant nin oo ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay iyadoo mid ka mida uu dhaawac yahay.
Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ay heleen xog ku saabsan Al-Shabaab oo doonayay inay Weerar kusoo qaadaan.
Sidoo kale Sarkaalka ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho loo soo qaaday ragga gacanta lagu dhigay.

