Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Al-shabaab ku eedeeyay in ay tacadiyo u geystaan dadka ku safraya wadooyinka Gobalada Baay iyo Bakool.
Xildhiban Nuur Isaaq oo kamid ah dalwladd goboleedka koonfur galbeed oo wareysi gaar ah siinayay idaacadda simba ayaa waxa uu sheegay in dadka shacabka ee iyagu ku safra wadada u dhaxeysa baay iyo bakool ay dhibaato kala kulmaan ciidmadda dawladda iyo sidoo kale Xarakadda Al-shabaaab ee uu sheegay in ay iyagu ku sugan yihiiin goobahaas.
Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dhibka ugu badan ee haysta ay tahay in aysan shacabka helin noloshii aas aasiga sidda uu hadalka u dhigay.

