Amar Dambe:-“Waa Guul in Ciidamo Soomaliyed Lagu Tababaro Gudaha Dalka”,+Dhageyso

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamay in 30-sano kadib ay arkaan ciidamo lagu tababaray gudaha dalka.

Xasan Cali Maxamed (Amar danbe), ayaa waxa uu sheegay in ay guulo waa wayn ay soo hooyeen ciidamadda qalabka sidda.

Wasiirka ayaa sheegay in dawladda turkiga ay dadaal u gashay in ay soo saarto, saraakiil da’yar kuwaasi oo qeyb ka ah ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu sidoo kale  tilmaamay wasiirka gaanshaandhiga in dawladda turkiga dadaalka ay galinayso ciidanka xoogga ay noqoto mid taariikhda ay gali doonto.

Muddo ka dhow 30 sano kadib ayuuna sheegay in ay guul  u tahay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan ciidamadda xoogga oo ay arkaan in markii ugu horeysay burburka kadib lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here