Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay beeninaysaa dhammaan eedeymaha xaqiiqda ka fog ee lagu asteeyay waxa loogu yeeray “Musuq maasuq” ee warbaahinta ay mariyeen Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, waxayna caddeyn u tahay habka ay uga tallaabeen hannaanka hey’adaha dowladda ay ku wada shaqeeyaan oo ah dukuminti is dhaafsi, taasi badalkeeeda ay ku dhiiradeen inay meel uga dhacaan maamuuska iyo xurmadda Wasaaradda, sidoo kale ay sumcad dilaan Mas’uul dowladeed oo xilkii loo igmaday gudanaya, lana hayn caddeymo sugan oo ah sheegashadooda.
Ciidan boolis ah oo loo tababaray la dagaalan argagaxiso ayaa xoog ku jiiray Dhismaha Wasaaradda August 04, taasina waxay Wasaaraddu u aragtaa fal lagu burburinayay kalsoonida wada shaqeyn ee hore loo abuuray, laguna dhaawacayay heybadeeda.
Wasaaraddu waxay cambaareyneysaa falkaasi ciidanka ee sharci darada ah ee loogu xadgudbay sharafteeda iyo shirka jaraa’id ee Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay ka jeediyeen hadallo been abuur ah oo aan asaas lahayn oo meel ka dhac ku ah sumcadda Wasiir kuxigeenka.
August 4, 2018 Ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska Dowlada Soomaaliya ayaa weeraray Xarunta Wasaaradda,waxaana halkaas ka dhacay qalalaaso muddo socday,kadib markii ilaaladda xarunta ay diideen in la xiro wasiir ku-xigeenka wasaaaradda oo lagu eedeeyay musuq-maasuq,waxaana arinta xaliyay markii dambe Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Intaas kadib Hanti dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda mudane Muqtaar Mahad Daauud loo heysto tagrifalka Hantida Qaranka.
Waxa uu tilmaamay in 4-tii April ee sannadkaan uu Gal-dacwaddeed ka dhan wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda u gudbiyey xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaas oo la xiriirrtey ku tagrifalka Hantida Qaranka.
Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo hey’adha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.
August 5, 2018 Amar kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdulqaadir C/llahi Xasan Shaango, oo ah Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir. Shaango ayaa lagu eedeyay qaadasho laaluush,waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
July 26, 2018 Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda ayaa hoygiisa kala baxay Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka , waxaana lagu eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).
Barnaamijka la dagaalanka Musuq-maasuq oo uu Raisulwasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqay ayaa waxaa haatan ku eedeysan Seddex Mas’uul oo kala ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda, Muqtaar Mahad Daauud, Kaaliye ka Tirsan maxkamadda gobolka banaadir, iyo agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Xukuumadda Soomaaliya.

