Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Weerar Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay weerar maanta ka dhacay magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan askartooda ay maanta barqadii ay beegsadeen gaari dagaal ay la socdeen ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee Koofiya Casta loo yaqaan oo marayay agagagaarka isgoyska Banaadir kuna dhow halka loo yaqaan Say Biyaano.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lagu dilay 5 askari 3 kalane ay dhaawaceen,kuwaasi oo ka tirsanaa Ciidamada Ilaaladda madaxtooyadda Soomaaliya.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar labeegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidamaddda  Koofiya casta loo yaqaan ee madaxtooyada ilaaliya, allaah fadligiis mujaahidiintu 5 askari ayay dileen seddax kalane waa ka dhaawaceen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa qirtay In weerarka loogu dilay labo kamid ah askartooda halka ragii kale ee la socday gaariga ay baxsadeen sida lagu baahiyay warbaahinta Xarakadda Al-shabaab.

Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa maanta beegsaday gaari kuwa Raaxadaha oo marayay agagaarka Isgoyska  Saybiyaano waxaana weerarka lagu dilay 2-ruux oo gaariga saarneed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here