Al-shabaab ayaa xukun toogasho ahaa ku fuliyay Nin gacan Ku dhiigle ahaa iyo askar Katirsan maamulka Jubbaland oo ay ku jirtay Haweeney.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaaraha Macallim Aadan Xaashi Ceyroow ee magaalada Jilib Gobolka Jubbada dhexe.
Maxamuud Cabdi Abshir oo ku magac dheeraa (Madaxeey) oo jiray 32 sano ayaa goob fagaare ah lagu qisaasay kadib markii uu horay udilay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Raxmaan Cabdi Warsame.
Sidoo ragga xukunka lagu fuliyay waxaa kamid ahaaa laba askari oo lagusoo qabtay dagaalkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.
Askarta xukunka lagu fuliyay waxaa kamid aheyd haweenay ay maxkamadda Shabaab ay xukun dil ah ku ridday kadibna la toogtay.

