Shabaab oo Xukun Ku Fuliyay Askar Jubbaland oo Haweeney ay Ku jirtay

0

Al-shabaab ayaa xukun toogasho ahaa ku fuliyay Nin gacan Ku dhiigle ahaa iyo askar Katirsan maamulka  Jubbaland oo ay ku jirtay Haweeney.

Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaaraha Macallim Aadan Xaashi Ceyroow ee magaalada Jilib Gobolka Jubbada dhexe.

Maxamuud Cabdi Abshir oo ku magac dheeraa (Madaxeey) oo jiray 32 sano ayaa goob fagaare ah lagu qisaasay kadib markii uu horay udilay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Raxmaan Cabdi Warsame.

Sidoo ragga xukunka lagu fuliyay waxaa kamid ahaaa  laba askari oo lagusoo qabtay dagaalkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Askarta xukunka lagu fuliyay waxaa kamid aheyd  haweenay ay maxkamadda Shabaab ay xukun dil ah ku ridday kadibna la toogtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here