Ciidamada NISA oo Xiray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

0

Ciidamadda Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Ee NISA ayaa xarunta wasaaradda arimaha dibadda ka watay wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya.

Ciidamo Boolis ah oo watay amar Maxkamadeed ayaa saakay aroortii tagay Xarunta Wasaaradda oo ku taala Degmadda Wadajir ee Gobolka banaadir, waxa ay isku dayeen inay xiraan Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud,balse waxaa ka dhashay Muran xoogan.

Ilaalada Xarunta wasaaradda iyo shaqaalaha wasaaradda, ayaa ka hor yimid arinta xariga wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya,waxaana arinta soo faragaliyay Ciidamadda Nabadda Sugidda Soomaaliyeed oo afka duuban,kuwaaso oo goobta ka watay markii dambe wasiir ku-xigeenka.

Dhanka kale Ismaandhaafka ka taagan xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la sheegayaa in lagu wargeliyay Saraakiisha Ciidamada sida Taliyaha Booliska Soomaaliya oo laga sugayo xarunta Wasaaradda, si xaalada u farageliyo.

Ilaa haatan lama sheegin sababta loo xiray wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya.,iyadoo horey mas’uul ka tirsanaa Xukuumadda lo xiray arrimo musuq-maasuq.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here