Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa shalay soo gaaray wafdi uu hogaaminayay Xoghayaha difaaca Dowladda Ingiriiska Gavin Williamson iyo Mas’uuliyiin kale.
Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay safiirka ingiriiska ee Soomaaliya David Concar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee magaaladda Muqdisho.
Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska ayaa ugu horeyntii xarunta Xalane kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod), iyagoo isla soo qaaday ahmiyadda ammaanka iyo dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya.
Sidoo kale xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayuu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxayna kawada hadleen taageerada dowlada UK ee Soomaaliya, xaaladda Amniga Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada UK ee Soomaaliya.








