Madaxweynaha Puntland oo Eedeen Usoo Jeediyay Madaxda Dowladda+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas), ayaa eedeen usoo jeediyay Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Gaas ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ugu horeeyo Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ee ku sugan deeganadda Maamulkaas ay ku casuumeen dhagax dhiga Dekadda Degmada Garacad ee Gobolka Mudug,islamarkaana aysan kasoo qeyb galin.

“Isimada iyo dhammaan reer Puntland waxay ka sharqamiyaan in lagu sharfay dowladda Federaalka inay kasoo qaybgasho mashruucan laakiin ay ka baaqsatay waa run, waan dhagax dhigan karnay laakiin waxaa ku sharafnay in dowladda Federaalka ay dhagax dhigto laakiin maysan noqon sabab kasta ha ku dhacdee,” ayuu hadalkiisa ku daray Gaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa degmada Garacad, halkaasoo ka mid aheyd goobaha la qorsheeyay inuu booqdo, inta uu ku guda jiro safarkiisa deegaanada Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in booqashadda safarka Kheyre ee Garacad ay la xiriirto arrimo siyaasadeed, iyo saameyn ka dhalan kartay haddii uu dhagax dhigo, maadaama uu horay ugu baaqday dhagax dhigga Dekeda Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here