Xayle:-“Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Xilkayga Ayuu Lacag Ka Badashay”,+Dhageyso

0
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Gudoomiyihii Degmadda Balanbal ee Gobolka Galgaduud  ayaa eedeen u jeediyay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi carabey.

Jaamac Xayle Maxamed oo la hadlay idaacada Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug lacago ay u balanqaadeen Hay’addo Caalami ah, islamarkaana xilkii uu ka qaaday.

Madaxweyne Ku-xigeenka  maamulka Galmudug (Carabay) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay dhawaan Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle Maxamed, hase yeeshee Guddoomiyaha ayaa diiday xil ka qaadista.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegay inaanu sharci aheyn xil ka qaadista lagu sameeyay, sidaa aawgeedna uusan aqoonsaneyn Wareegtada kasoo baxday xafiiska Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here