Magaaladda Asmara ee dalka Eritrea waxaa ku kulmay xalay waqti dambe Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),oo booqasho ku jooga dalkaas iyo madaxda Jamhadda ONLF.
Gudoomiyaha Jamhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa VOA u sheegay in madaxweyne farmaajo uu ka raali galiyay dhiibitaankii Cabdikariim Shiikh Muuse (Qalbidhagax), ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay Ethiopia.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in madaxweynaa Sooomaaliya Farmaajo uu kulankaasi ka sheegay in uusan jamhadda ONLF u aqoonsanayn urur argagixiso.
Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii 2017-kii Dowladda Ethopia u gacan galisay Cabdikariim Shiikh Muuse (Qalbidhagax), oo ka tirsan Jamhadda ONLF,inkastoo markii dambe lasoo daayay.

