ONLF oo Sheegtay In Farmaajo Raaligalin uu Ka Bixiyay Dhiibistii Qalbi Dhagax!

0

Magaaladda Asmara ee dalka Eritrea waxaa ku kulmay xalay waqti dambe  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),oo booqasho ku jooga dalkaas iyo madaxda Jamhadda ONLF.

Gudoomiyaha Jamhadda ONLF  Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa VOA u sheegay in madaxweyne farmaajo uu ka raali galiyay dhiibitaankii Cabdikariim Shiikh Muuse (Qalbidhagax), ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay Ethiopia.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in madaxweynaa Sooomaaliya Farmaajo uu kulankaasi ka sheegay in uusan jamhadda ONLF u aqoonsanayn urur argagixiso.

Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii 2017-kii Dowladda Ethopia u gacan galisay Cabdikariim Shiikh Muuse (Qalbidhagax), oo ka tirsan Jamhadda ONLF,inkastoo markii dambe lasoo daayay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here