Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada muqdisho waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed.
Sarkaalka oo ahaa laba xidigle ka tirsanaa saldhiga degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, ayaa lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa Qudaarta,waxaana magaciisa lagu gaabiyay Maalin.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal dhalinyaro hubeysneed ayaa fulisay dilka Sarkaalka,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta dilka.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano lagu baadi-gobayo ragii ka dambeeyay.

