WAR DEG DEG: Khilaaf Ka Dhax Qarxay Military-ga Jabuuti Iyo Maamulka Degmada Jalalaqsi + Dhageyso

0

Khilaaf xoogan ayaa ka dhax aloolsan masuuliyiin katirsan maamulka degmada Jalalaqsi  ee gobalka Hiiraan iyo korneel Bariiri taliyaha ciidamada Jabuuti ee degmadaasi Jalalaqsi.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo taliyaha ciidanka Jabuuti ee degmada Jalalaqsi korneel Bariiri iyo gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmadaasi oo lagu magacaabo Xuseen Sheikh Qaasim.

Gudoomiyaha magaalada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Maxamed Cabdalla Fiidoow oo la hadlay Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay cida khilaafka uu u dhaxeeyo, gudoomiyaha ayaa sheegay in khilaafka uu salka ku hayo arimo la xiriira shaki korneelka ciidanka Jabuuti ee degmada Jalalaqsi  uu ka muujiyay  gudoomiye ku xigeenka Amniga Jalalaqsi inuu xiriir la leeyahay Al shabaab.

Mudane Maxamed Cabdalla Fiidoow Gudoomiyaha magaalada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sido kale sheegay in khilaafka ugu weyn uu ka taagan yahay cida maamuleysa amaanka garoonka diyaaraha magaalada Jalalaqsi oo hada gacanta ay ku hayaan ciidanka Military-ga Jabuuti.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here