Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tegi doono Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eretrea.
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud oo la hadlay war-baahinta ayaa intaa raaciyay in Soomaliya iyo Eretria ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, isagoo Madaxweyne Farmaajo halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa dalka Eretrea Isaias Afwerki.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi.
Su’aasha Taagan Ayaa Ah “Soomaaliya Waxaa Laga Maamulaa Ethiopia”
Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu sheegay in safar taariikhi ah uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ku tagayo dalka Eretrea ayaa su’aasha is weydiinta mudan waxey tahay maxaa isku soo aadiyay heshiiskii dhawaan dhax maray dowladdaha Itoopiya & Eretrea.
Raiisul wasaaraha Ethiopia Abi Ahmed ayaa bilawgii bishan ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, taasoo aheyd safarkii u horeeyay oo Mas’uul Itoobiyaan ah ku tago Eritrea muddo 20 sano laga joogo.
Xukuumadihii ugu danbeeyay ee soo maray Soomaaliya ayaa aaminsana in dowladda Eritrea ay Soomaaliya ku tahay cadaw maadama marar badan lagu eedeeyay iney saanad hub ah ku wareejisay Alqaacidda Soomaaliya , balse waxii ka danbeeyay markii uu soo hagaagay xiriirka Diblumaasiyadeed ee dalalka Ethiopia iyo Eretrea ayaa la sheegay in Taliska Itoopiya dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ku cadaadineyso in xiriir cusub ay la sameysato Eretrea, maadaama labada dowladood ay heshiiyeen.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa is weydinaya su’aasha ah, maxaa isku soo aadiyay heshiiyada cusub ee dhax maray Ethiopia iyo Eretrea, iyo safarka deg dega ee madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Eretrea.
Dowladda uu hogaamiyo madaxweynaha Farmaajo ayaa loo arkaa iney u nugushahay qaadashada amarada Taliska Ethiopia, mar hadii hore Qalbi Dhagax loogu gacab galiyay, hadana la faray mar hadii uu soo hagaagay heshiiska Ethiopia iyo Asmara in Soomaliya loo fasaxay xiriir iney la sameyn karto Eretrea.
Soomaaliya waaa Jamhuuriyad madax banaan, balse aanan diidi Karin amarada Taliska Itoopiya, maadaama heshiis aan waxba kaga galin ayna wada galeen laba dowladood, lagu cadaadinaayo in madaxweynihii umada Soomaaliyeed uu filiyo danaha dowladda kale sida dowladda Ethiopia.

