Sarakiil Lagu Dilay Duleedka Lamu Iyo Gaari La Gubay + Akhriso

0

Wararka ka imaanaya Kenya gaar ahaan deegaanka Lamu ayaa sheegaya in xubno katirsan Al shabaab ay weerar ku qaaadeen kolonyo ay socdeen saraakiil katirsan Bolice-ka ka Kenya kuwaa oo marayay wadada isku xirta Milihoi iyo Mpeketoni oo hoos yimaada deegaanka Lamu ee dalkaasi Kenya halkaa oo lagu soo waramayo in weerarkaasi lagu dilay laba sarkaal oo katirsan ciidamada Kenya, iyadoona sadax kale uu dhaawac kasoo gaaray weerarkaasi sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada dalkaasi

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarkaasi ay Al shabaab ku gubeen gaawaari ay lahaayeen ciidamada difaaca Kenya gaar ahaan gaari nuuciisu yahay Land Cruser kadibna ay goobta isaga tageen.

Afhayeen uhadlay ciidamada Police-ka Kenya ayaa carababay in haatan sadax dii askari ee ku dhaawac may weerarkaasi haatan la dhigay isbitaal kuwaa oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalaayo.

Kolonyadan ay saarnaayeen saraakiishaasi ayaa la sheegay in ay kasoo dhaqaaqeen tuulada Hindi isla markaana ay ku wajahnaayeen Mahabusa halkaa oo weerar dhaba gal ah ay kala kulmeen ciidamo katirsa  Xarakada Alshabab ee xiriirka la leh Alqaacidda gaar ahaan Shabaab ka ka dagaalama Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan waxaa ay weeraro kala kulmaan xarakadaAl shabaab tan iyo sanadii 2011 kii kadib markii dowlada Kenya ay ciidamo ugu deeqeen howlgalka midowga Africa Amisom ee nabad ilaalinta u jooga dalka kuwaa oo dowlada Soomaaliya ka taageera Ururuweynaha Alqaacidda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here