War rasmi ah oo kasoo baxay Al shabaab ayaa looga hadlay dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho.
Al shabaab ayaa sheegay Mid ka mid ah weeraradan inuu dhacay agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska qoray uu watayna laga qaatay.
Dhanka kale laba xubnood oo ka tirsan ciidamada military-ga ee DFS ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay agagaarka isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.
Al shabaab ayaa sheegay in Weerarkan ay fuliyeen ciidankooda laguna beegsaday Sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada military-ga xilli ay la socdeen gaari Kaarib ah oo marayay aaga Isgoyska Baar ubax.
Wali wax war ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya oo ku aadan laba weerar ee lagu dilay askar katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya oo ka howlgalayay degmooyinka gobalka Banaadir.
Labada weerar ee lagu laayay Xubno katirsanaa ciidanka dowladda ayaa waxaa sadax ku noqonaya toogasho goordhaweyd ka dhacday magaalada muqdisho oo uu askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ku dilay wade Mooto Bajaaj oo marayay suuqa degmada waabari ee magaalada Muqdisho.

