Wararkii ugu danbeeyay askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo mid kamid ahaa wadayaasha moota Bajaajta ku toogtay magaalada Muqdisho.
Toogashada ayaa ka dhacday goordhaw suuqa degmada waabari ee gobalka banaadir, halkaasi oo askari katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku dilay darawal ka xeynayay mooto Bajaaaj.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in wali goobta uu yaalo meydka ruuxaasi oo wali la garan la yahay, balse kamid ahaa wadayaasha moota Bajaaj ka ka howlgala magaalada Muqdisho.
Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa wali gaarin goobta uu dilkaasi ka dhacay.
Waxii Kusoo Kordha Kala Soco www.simbanews.com ama Facebook Radio Simba

