Askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ayaa magaaladda muqdisho waxa uu ku dilay mid kamid ahaa Wariyayaasha ka howlgala Magaaladda.
Allaha U Naxariisto Wariye Abdirisaq Qaasim Iman ayaa lagu dilay dagmada Waaberi ee gobalka Banaadir, waxaana uu u ahaa Cameraman u shaqeeya Television-ka SBS xaruntiisa Muqdisho.
Sida uu xaqiijiyay Ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj,wariyaha ayaa lagu toogtay xiligii Maqribkii agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya,waxaana Madaxa Laba Xabad kaga dhuftay Askariga,wuxuuna raacayay Mooto Bajaaj.
Lama Shaacinin Sababta ka dambeysay dilka wariyaha oo uu geystay askariga ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.
Meydka wariyaha ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiina ee magaaladda Muqdisho.




