Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal xalay ka dhacay Xaafado ka Tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ragg hubeysnaa ayaa xalay maqribkii waxa ay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka Qudaarta lagu iibiyo ay ku dileen nin ganacsade ahaa , iyagoo sidoo kale dhaawacay mid kale.
Sidoo kale isla xalay rag hubeysan ayaa Xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid waxay ku dileen askari katirsanaa ciidanka Booliska Somaaliyeed kooxii dilka gaystana si fudud ayay goobta uga baxsaday sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa shaqsiyaad u qabtay dilalkii xalay ka dhacay Xaafadaha Degmooyinka Holwadaag iyo Yaaqshid ee Gobolka banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si joogta ah uga dhaca dilalka loo geesto dadka shacabka ah iyo sidoo kale ciidanka iyo dadka kale ee u shaqeeya dowlada, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalka qorsheesan ka fuliya Muqdisho.

