War Deg Deg:-Dil Caawa Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa waxa ay dil ka geysteen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu iibiyo.

Dhalinyaro ku hubeysneed Bastooladdo ayaa toogtay nin Ganacsade ahaa oo ku sugnaa goobtiisa ganacsi, xiligaa wuxuu isu diyaarinayay inuu Gurigiisa aado.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ganacsadaha la dilay si weyn loogu yaqaanay gudaha Suuqa bakaaraha,islamarkaana aan la ogeyn  waxa uu salka ku hayo dilkiisa.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana jiray baaritaan ay sameeyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here