Maamulka Xarakadda Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa galinkii dambe ee shalay fuliyay xukun gacan Goyn ahaa.
Xukunkaan oo lagu fuliyay Wiil dhalinyaro ah ayaa ka dhacay fagaare ku yaala deegaanka Kuunyo Barrow.
Boqollaal dadweyne ah ayaa soo xaadiray fagaaraha uu xukunka ka dhacayay.
Garsooraha Maxkamadda Al-shabaab ee Shabeelaha Hoose oo xukunka sharaxayay ayaa sheegay in maxkamadda deegaanka Farsooley ee degmada Qoryooley ay soo gaartay dacwad ka dhan ah ninka lagu magacaabo Maadey C/qaadir Cali (Daniyoow) oo 24 jir ah islamarkaana deggan tuulada Dharkeenley, oo hoos tagta degmada Qoryooley.
Sida uu qaadigu sheegay, Maadey ayaa lagu eedeeyay inuu Jabsaday Farmashiye ku yaalla deegaanka Farsooley ee isla degmada Qoryooley kana qaatay lacag dhan hal Milyan oo shilinka Soomaaliga ah, Telefoon iyo kabo Saandal ah.
Ugu dambeyntii Maadey oo qirtay dambiga ayaa laga gooyay gacanta midig.

