Akhriso:-Dowladda Kenya oo Ciidamo Fara Badan Soo Dhoobtay Xaduuda Soomaaliya

0

Dowlada Kenya ayaa ciidamo horweh waxaa ay keentay deegaanada ka agdhow xuduuda ay wadaagaan dalalka Somaaliya Kenya sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada Kenya.

Kutswa Oloka Gudoomiyaha dagmada Mandera ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay heleen xoggo ku aadan in xubno katirsan al-shabaab ay weeraro ka geysan rabaan gudaha dalka Kenya.

Arintan ayaa kusoo aadeysa kadib markii todobaadkii hore xubno katirsan xarakada alshabab ay weeraro ku qaadeen saldhig ay la haayeen ciidamada difaaca Kenya ay ku leeyihiin magaalada Mandera ee waqooyi bari Kenya.

Mr Olaka ayaa dhanka kale carabaabay in ciidamooda ay geeyeen goobaha ay kaga shakisan yihiin in ay weeraro kageysan rabaan Alshabaab oo la rumeysan yahay in xubno katirsan ay gudaha dalka Kenya usoo talaabeen.

Xarakada Alshabab ayaa sidoo kale dhawaan waxaa ay weerar kuqaadeen xarumo ay lahaayeen ciidamada Kenya oo kuyaala deegaanada Manza iyo Shiekh Barrow oo hoos yimaada magaalada Mandera halkaa oo la sheegay in waxyeelo xoogan ay soo kala gaartay labada dhinac.

Tan iyo sanadii 2011 dii dalka Kenya ayaa noqday dalka aan daganeyn dhanka amniga kadib markii ciidamo ka socda dalkaasi ay qeyb ka noqdeen ciidamada midowga Africa Amisom ee nabad ilaalinta ujooga dalka kuwaa dowlada soomaaliya kataageeraya ladagaalanka alshabaab.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here