IOM:-“1,400 oo Soomaaliya ay Ku Jirto ayaa Ku Dhimatay Badda Mediterranean-ka!

0

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arimaha muhaajiriinta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan (IOM) ayaa sheegtay in sanadkan gudihiisa ay badda Meditrenianka ay ku raqabmeen inka badan 1,400 oo muhaajiriin ah oo kakala yimid gaar kamid ah dalalka kuyaala geeska Africa oo soomaliya ay kamid tahay.

IOM ayaa dhanka kale sheegtay in bishan July 15 keedii ay noloshooda kuwaayeen 1,44 qofood oo muhaajiriin African ah kuwaa oo doonayay in ay utalaabaan dalalka Yurub ay naftooda kuwaayeen mudadaasi ayaa lagu yiri hadalkan kasoo baxay hay’ada qaramada midoobay.

Flavio Di Giacomo, oo ah wakiilka gaarka ah ee hay’ada uqaabilsan arimaha muhajiriinta dalka Talyaaniga ayaa sheegay in afar doon  ay dageen oo intii lagu guda jiray sanadkan dhamaan dadkii saarnaa ay ahaayeen muhaajiriin soomaaliya ah taa oo kuquustay bada Meditrenianka islamarkaana dadkii ay soo badbaadiyeen uu kamid ahaa wiil 17 sano jir ah kaa oo inoo xaqiijiyay in qaar kamid ah eheladiisa ay saarnaayeen doontaasi.

Ugu dambeyn Hay’ada qaramada Midoobay uqaabilsan arimaha muhaajiriinta ayaa carabaabay in marinka ugu weyn ee muhaajiriinta Africa ay tahay bada Meditrenianka halkaa oo lasheegay in ay Qatar galiyaan nolosheeda kuwaa oo aaminsan in hadii ay katalaabaan  dalalka yurub ay heli doonaan nolol kawanagsan midi ay kolhore kunoolaayeen.

 

.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here