Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Maanta dhagax dhigay Warshad Sameysa labiska Ciidanka+ Sawiro

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, ee dowlada soomaliya,

Xaflada Lagu furaayay warshada cusub ee sameynta doonta dharka ciidamada dowlada soomaliya  waxaa goob-joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhigga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda xukuumadda soomaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo dhagax dhiga warshada ka Hadlay ayaa sheegay in arintaan ay ka caawisay dowlada wadanka Turky-ga oo qeyb ka ah dowlada inta badan Taageera dowlada soomaliya,

Dhanka kale wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Mudooyinkii dambe waday howlo lagu hormarinaayo dhanka ciidamada xoogga dalka soomaliyeed,

20160105_104123 20160105_104341 20160105_105042 20160105_105129_5 20160105_105543 20160105_105620

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here