Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Sheegtay in ay Yaraadeen Falalkii dilalka ahaa

0

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somaliya Xasan Cali Nuur “Shuute” oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in ay yaraadeen falalkii dilalka ahaa ee ciidamada Dowlada   u geysan jireen dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho,

Gaashaanle Xasan Cali Nuur “Shuute” waxa uu sheegay in Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay dar dargelisay xukunada kala duwan ee lagu ridaayo ciidamada Dowladda ee dadka shacabka ah ku dila Gudaha Magaalada Muqdisho ee Gobolada dalka soomaliya.

Dhanka kale  Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somaliya Xasan Cali Nuur “Shuute” waxa uu sheegay in aysan ciidamada dowlada soomaliya ka aqbali doonin in ay ka qeyb galaan dagaalo beeleedyada ka dhaca qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya xili uu socdo baaritaan ku aadan in ay jiraan ciidamo ka qeyb qaatay dagaal beeleed ka dhacay Magaalada beledweyne,

Dilkii ugu dambeeyay  Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somaliya fulisay waxaa lagu riday askari ka Tirsanaa ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka dowlada soomaliya oo qof shacab ahaa ku dilay degmada Deyniile,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here