NATO Iyo Mareykanka Oo Wacad Ku Maray Dagaal Ka Dhan Ah Al Shabaab

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wacad kumaray in dalalka ku yaala Qaarada Africa ay ka caawin doonaan la dagaalanka Ururada Argagaxisa.

Bayaankan ayaa imaanay kadib markii Donald Trump uu ka qeyb galay shir caalami ah oo so conayay mudo labo maalin ah kaa oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Bulgiumka isagoona sheegay in Dowlada Mareykanka iyo Ururuka Nato ay si wadajir ah qalinka ugu duugeen sidii sare loogu qaadi lahaa howlgalka Millitary ee kasocda guud ahaan dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Dhinaca kale kulan kan kadib war qoraal ah oo bartiisa Tweeter ka uu kusoo qoray madaxweynaha Mareykanka ayuu ku sheegay in in ka badan 54 wadan oo kuyaala dalalka Africa ay kacaawin doonaan ladagaalanka kooxaha Jihaad doonayaasha ee ka dagaalama wadamo Soomaaliya ay ku jirto.

“Waxaanu karabnaa nabad Africa sidoo kale waxaanu dooneynaa dunida oo idil in ay noqoto goob xasiloon taasi waa hadafkeena koobaad ee hadii aanu midowno lagu heli karo xasilooni” ayuu yiri Trump

Dhawaan ayey aheyd markii 72 sano jirkan hogaamiya dalka Mareykanka lagu eedeeyay in uu sare uqaaday markii uu xafiiska la wareegay howgalka Mareykanka  uqaabilsan geeska Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan AFRICOM in ay sare uqaaden duqeymaha ay ka fulinayan dalal dhowr ay ay Soomaaliya kamid, duqeymahaasi oo waxyeelo badan ay kasoo gaartay shacab an waxba galabsan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here