Faah Faahin:- Dagaal Khasaaro Dhimasha Iyo Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahinadii ugu danbeeyay dagaal ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhax maray manta magaalada caasimada ah ee muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dhacay gudaha degmada Kaxda ee gobalka Banaadir, dagaalka ayaa imaaday kadib markii ay isku dhaceen labo ciidan oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in ciidamo katirsan Militaryga iyo kuwa booliska maanta ay ku dagaalamen degmadaasi, kadib markii ay isku maan dhaafeen u kala safashada ganacsato uu muran ka dhaxeeyay. Sidaasina uu ku yimid dagaalka maanta ka dhacay degmada Kaxda.

Inta la xaqiijyay dagaalka waxaa ku dhimatay laba ruux halka 10 in ka badan ay kasoo gaartay dhaawacyo, inkastoo wax yeelada ugu badan ay kala gaartay labadaasi ciidan ee katirsan dowladda.

Maamulka degmada kaxda oo Simba ay la xirirtay ayaa inoo xaqiijiyay dagaalka, in kastoo ay ka gaabsadeen iney faah faahin ka bixiyaan dagaalka dhacay iyo sababta rasmiga ee ka danbeeyay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya xaalada iminka iney tahay mid degan sido kale wali in goobta uu dagaalka ka dhacay ay wali joogaan qaar kamid ah ciidamada ku dagaalamay degmada Kaxda.

Kala Soco Waxii Kaloo Kusoo Kordha Dagaalka Degmada Kaxda www.simbanewnet

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here