Xoghayaha goloha difaaca Kenya Raychelle Omamo ayaa beenisay in ciidamada ka socda dalkaasi ee qeybta ka ah AMISOM ee kusugan Soomaaliya aysan wax lug ah kulaheyn eedeymahan loo soojeediyay ee ah doofinta ganacsiga sokorta iyo dhuxusha laga keeno Soomaaliya.
Raychelle Omamo Xoghayaha golaha difaaca Kenya ayaa hadalkan ka jeedisay kulan ay la qaadatay qaar kamid ah goloaha amanka ee Qaramada Midoobey taa oo gabi ahaan garabka ku dhifatay arimahaas waxaa ayna sheegtay in arimhaaasi aanan looheyn cadeymo rasmi ah.
Hadalkan ayaa imanaya kadib markii dhawanahan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya lagu eedeeyay in ay dhoofiyaan sokorta, iyo Dhuxusha Soomaaliya taa oo loosoo gudbiyo dalka Kenya.
Kulankan oo soconayay sadax maalin isla markaana ay kasoo qeyb galeen 200 oo wufuud heer caalami ah iyo sidoo kale ururo caalami ah oo kadhacay magaalada Neirobi ee dalka Kenya ayaa gabi ahaan masuuliyiinta dalkaasi waxaa ay sibuuxda ubeeniyeen eedeymahaasi iyadoona sheegtay in ciidamada Kenya ee kusugan Soomaaliya aanu loogeyn dalkaasi ganacsi, balse ay tahay la dagaalanka Al shabab oo xukumada Soomaaliya ay kataageerayaan dagaalkaasi Alqaacidda lagula jiro.
Bishii Nevember ee sanadkii hore ayey aheyd markii Goloaha ayku mideysan yihiin dalalka Somalia, iyo Ethiopia, ay ku eedeenayen ciidanka difaaca Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay kulug leeyihiin arimhaa.
Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada difaaca Kenya Col David Obonyo ayaa sidoo kale carabaabay in arimahaasi ay yihiim kuwa been abuur ah isla markaana ciidankooda ay kala shaqeenayaan dowlada Soomaaliya sidii ay unoqon laheyd Qaran dhisan ayna kataageeraan dhisida ciidan tayeysan.
Inka badan 20,000 oo ciidan oo kasocda dalalka Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti, Iyo wadamo kale ayaa qeyb ka ah Howl galka AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya halka 6,000 oo askari ay ka socdaan dalka Kenya kuwaa oo qeyb ah ciidankaAMISOM.

