Dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda kuwa maamulka iyo ciidanka ka socda Jabuuti ayaa maanta laga dareemayo gudaha Magaalada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan maxamed Cabdulle Fiidoow oo la hadlay Simba ayaa sheegay in ay maanta magaalada Jalalaqsi ay soo gaareen ciidamo fara badan oo la doonayo iney la wareegaan deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada degmada Jalalaqsi iyo deegaano kaloo ku teedsan.
Wakiil wareedka Idaacada Simba ee gobalka Hiiraan ayaa inoo sheegay in maanta laga dareemayo magaalada Jalalaqsi ciidamo huwan ah oo buux dhaafiyay kuwaasi oo saraakiisha ciidanka ay sheegeen iney sugayaan ciidamo kale oo kasoo socda gobalka Shabeelaha dhaxe gaar ahaan degmada Qalimoow oo sida heshiiska hor dhaca ah uu dhigayo labada ciidan iney isugu imaadaan degmada Fiidoow.
Saraakiisha ayaa sheegay kaliya howlgalka ka dhanka ah Al shabaab ka maamula dhinaca koofureed ee gobaladaasi in laga sugayo amarka ah in la qaado saraakiisha dhaxe ee ciidanka Xooga Soomaaliya.
Howlgalka ka dhanka ah Al shabaab ayaa sido kale waxaa ka qeyb ah ciidamo katirsan AMISOM.
Warka kasoo baxay maamulka Magaalada Jalalaqsi iyo saraakiisha ciidanka Xooga ayaa kusoo beegmaya xili qaar kamid ah deegaanada iyo degmooyinka goblada shabeellaha dhaxe iyo Hiiraan aysan ciidanka awoodin iney isku gudbaan sababa ka xiriira wadooyinkasi oo ay joogaan ciidamada Al shabaab.

