DEG DEG: Jubbaland Oo Dib U Ceyrisay Diyaarad Waday Taliyaha Cusub Qeybta 43-aad Ee Ciidanka Dowladda + Dhageyso

0

Wararkii ugu danbeeyay Jubbaland oo garoonka diyaaradaha kismaayo u diiyay iney soo caga dhigato diyaarad waday taliyaha cusub ee  guutada 43aad ee  ciidanka xooga ee deegaanada maamulkaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysay in dib loo ciliyo diyaaradii waday Cali Bogmadow  taliyaha cusub ee ciidamada xooga qeybta 43aad ee ka howlgasha gobalada Jubbooyinka iyo gobalka Gedo.

Taliyaha cusub ee ciidanka xooga Gobalada Jubbooyinka Cali Bogmadow ayaa la filyay in uu xilkaasi kala wareego Ganaral Ismaaciil Saxardiid oo dowladda Soomaaliya ugu magacawnaa taliya guutada 43aad.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo kamid ah saraakiisha ciidanka Xooga ee gobaladada Jubbooyinka oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in taliyaha cusub ee ciidamada xooga gobalkaasi dib loo celiyo diyaaradii waday ay ka danbeeyaan ciidamada Kenya iyo maamulka uu hogaamiyo axmed madoobe ee ka taliye qeybo kamid ah gobalada Jubbooyinka iyo gobalka Gedo.

Korneyl Aadan Rufle oo sii hadlayay ayaa ku macneeyay sababta taliye Cali Bogmadow loogu diiyay halkaasi iney tahay in Jubbaland iyo Kenya ay doonayaan in halkaasi loo magacaabo taliye gacantooda ku jira oo ay ku fushadaan wax walbaa ay kaga baahan yihiin iney qabtaan ciidanka xooga ee gobalkaasi.

Dhageyso Codka:-  Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle)

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here