Askari ka Tirsan ciidamada booliska dowlada soomaliya ayaa maanta ruux Rayid ahaa ku dilay Gudaha degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose,
Askariga iyo ruux Rayidka ahaa ayaa la sheegay in uu soo kala dhaxgalay qilaaf xoogan taasi oo keentay in askariga booliska uu rasaas ku furo ruuxa rayidka ahaa oo markii dambe goobta ku geeriyooday sida ay inoo sheegeen dad ku sugnaa halka uu falka ka dhacay,
Dhanka kale Maamulka degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha aynu la xaqriirnay ayaa gaabsaday in ka hadlaan dilka maanta uu geystay askariga ka Tirsan ciidamada booliska dowlada soomaliya,

