Qarax ka dhacay xarun warshado oo ku taalla gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha ayaa sababay in ay dhintaan 19 ruux ayna ku dhaawacmaan 12 kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararkaee Xinhua.
Laamaha amaanka deegaanka Jiang’an ee uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay warshad kiimiko oo ay gacanta ku hayso Yibin Hengda Technology, sida ay tabisay wakaaladda Reuters.
Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ee dalka Shiinaha ayaa muujiyay dab wayn iyo uuro cirka isku shareertay oo ka kacay dhismaha warshada

