Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo duleedka magaalada caasimada ah ee muqdisho ku dilay oday caan ka ahaa duleedka Magaalada.
Kooxahaasi hubeysan ayaa rasaaseeyay gaari uu watay ninkaasi odayga ahaa oo marayay inta u dhaxeysa tabeelaha iyo deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.
Goobjooge ku sugan deegaanka tabeelaha ayaa inoo xaqiijiyay dhimashada ninkaasi watay gaariga la rasaaseeyay, waxaana lagu magacaabi jiray ninkaasi Cabdullaahi Maxamed Rooble.
Wali lama oga sababta ka danbeysay dilka ninkaasi oo kooxihii ka danbeeyay weerarkiisa ay isaga baxsadeen goobta dilkaasi ay ka geysteen oo aheyd duleedka magaalo madaxda Soomaaliya.
Sarkaal katirsan military-ga dowladda Soomaaliya oo ku sugan duleedka magaalada Muqdisho oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa inoo xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi uu ku geeriyooday odayga da’da ahaa oo gaari uu watay lagu rasaaseeyay agagaarka deegaanka Tareedisho.

