DFS oo Sheegtay In lasoo Afjaray Weerarkii Wasaaradaha Arrimaha Gudaha,iyo amniga

0

Waxaa lasoo afjaray weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha,iyo amniga Gudaha Xukuumaddda Soomaaliya oo ku yaala Isgoyska Sayidka ee Magaaladda muqdisho.

Qarax gaari loo adeegsaday, ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee Koontaroolka ay joogan ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya, xilli halkaasi ay taagnaayeen gaadiid kala duwan oo lagu baaro, kuwaasi oo u gudba dhanka Wadada aada Madaxtooyadda.

Qaraxa kadib rag hubaysan ayaa gudaha u galay Wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo amniga oo hal dhismo wada dagan, waxaana halkaasi ka bilowday rasaas culus oo ay isweydaarsadeen ciidamada NISA ee Wasaaradahaasi ilaalada ka haya iyo raggii hubaysnaa.

Daqiiqado kadib qarax kale ayaa ka dhacay xarumaha waxaana la sheegay in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxyadda ay ku dhinteen 13-ruux oo u badan shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo afjaray weerarka,islamarkaana la toogtay ragii weerarka soo qaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here