Al-shaabab oo Sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyadii Lagu Weeraray Xarumaha Wasaaradaha

0

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda howlgal isugu jira mid naf hurnimo iyo mid toos ah oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen dhismaha wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka.

Shabaab ma aysan shaacinin tiradda ay ku dileen weerarkii ay ku qaadeen Xarumaha wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka.

“Al-shabaab ayaa howlgal guuleystay ku qaaday xarumaha Dowladda ee Muqdisho, camaliyad istish-haadi ah ayaa howlgalka lagu daah furay kadibna rag inghimaasiyiin ah ayaa gudaha ugu daatay Xarumaha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here