Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladaha Caalamka ay ku tartamayaan Dekadaha Soomaaliya,islamarkaana dekadaha ay noqdeen Dahab.
Wasiirka Wasaarada dekadaha Maryan Aweys Jaamac oo la hadashay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Xukuumada Dooxa uu damac ugu jiro inay maalgashadaan Dekada Magaaladda Hobyo.
Waxa ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso cid kasta oo maalgashanaysa Dekaddaha dalka.
Arbacadii aynu soo dhafnay wafdi heer caalami ah ayaa soo gaaray Magaalada Mudqisho oo ka socday dowladda Qatar.
Qadar ayaa ah dalkii ugu dambeeyay ee soo bandhigay damaca uu ka qabo maalgashiga dekedaha Soomaawaa Qatar waxaan wafdi kasocday dalkaasi ay kormeer ku tageen dekada Hobyo ee maamulka GalMudug taas oo 23-kii Janaayo ee sanadka uu madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/lahi Farmaajo dhagax dhigay.

