Dagaal khasaare dhaliyay ayaa Ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray deegaan katirsan Gobolkaas.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in iska hor imaad xooggan ee gelinkii dambe Jimcihii Al-shabaab iyo ciidamada dowlada ku dhex maray deegaanka Qalimoow oo qiyaastii 60 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa sheegay in ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka ayna la wareegeen gacan ku heynta goob isbaara ah oo ciidamada DF-ka ay gaadiidka dadweynaha lacago uga qaadayeen.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay dagaalka halka tiro kale ay ku dhaawacmeen iyagoona sheegay inay si buuxda ula wareegeen.

