Guddiga difaaca Maamulka Puntland ayaa duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ku soo dhoweeyey ciidamo loogu talagalay in ay xoreeyaan Gobolka Sool.
Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaan horay uga mid ahayn ciidanka Puntland.
Xildhibaano, saraakiil iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Somali-land, oo ka hadlay madasha lagu qaramaynayey ciidankan ayaa sheegay in ciidankaani ay go’aansadeen inay ka mid noqdaan ciidamada difaaca ee Puntland.
Xubno katirsan gudiga difaaca Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyey ciidamadaan geesiyaasha ah ee difaaca dalka naftooda u huraya, waxaana ay sheegeen in maanta wixii ka dambeeya loo diiwaangelin doono ciidamo dowladeed.






