Faah-faahin:-Shil Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho waxaa saakay aroortii ka dhacay shil geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadkii goobta ku sugnaa shilka ayaa sababay kadib markii gaari nuuca Cabdi bilaha ah oo si xawaare ah ku socday uu ka baxay wadada,islamarkaana uu jiiray qof rayid ahaa oo wadada lugeynayay.

Waxaa la xaqiijiyay in ruuxii rayid ahaa oo isla goobta uu ku geeriyooday,waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray wadihii gaariga Cabdi bilaha ah iyo mid kale oo la socday.

Qofka dhintay ayaa lagu magacaabi jirey Gacal Cumar Maxamuud,waxaan meydkiisa haatan la geeyay goobaha caafimaadka Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here