Wararkii ugu danbeeyay dagaalada labada maalin ka soconaya deegaano iyo degmooyin katirsan gobalka Mudug ayaa ku waramaya in wali dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaanadaasi.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay xaalada deegaanadii lagu dagaalamay jawigooda uu iska dagan yahay, balse la dareemayo dhaq dhaqaaqyo labada dhinac ay isku hub aruursanayaan.
Sarkaal ku sugan gobalka galgaduud ayaa Simba u xaqiijiyay in Diyaarad siday hubka iyo daawooyinka dowladda Soomaaliya ay ugu tala gashay maleeshiyaadka la dagaalamaya xoogaga Al shabaab ay gaar siiisay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Diyaarada waday hubka iyo dawooyinka ayaa la sheegay in lagu wareejiyay madaxda Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kuwaa oo la doonayo in iyaga ay gaar siiyaan saanada hubkaasi ciidan maleeshiyaadka dadka deegaanada Caad iyo Maamiyo ee dagaalka kula jira labada maalin Al shabaab.
Dhanka kale waxaa la sheegaya in saanad hub ah la gaarsiiyay degmada Hobyo ee gobalka Mudug oo sidaa aan kaga fogeyn deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan degmo xeebeedka Xara-Dheere.
Waxii Kusoo Kordha Hadba Xiisadaasi Kala Soco www.simbanews.net

