Maxaa Ka Jira In Saraakiil Ajaaib Ahaa Lagu Dilay Dagaalka Duleedka Xaradheere + Dhageyso

0

War kasoo baxay maleeshiyaadka dadka deegaanka ee ka gadooday amar hogaanka Al shabaab ay kusoo rogen shacabka ku dhaqan deegaanada Xarakada gacanta ay kaga hayaan koofurta gobalka Mudug ayaa guulo looga sheegtay dagaaladii halkaasi ay kula galeen ciidanka Xarakada Al shabaab.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay shalay halkaasi in lagu gubay laba gaari oo nuuca dagaalka ah, sido kale in lagu dilay weerarka saraakiil cadaan ah oo hogaaminayay dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka dadka deegaanka iyo ciidamada Al shabaab.

Majirto cid ka madax banaan maleeshiyaadka oo xaqiiji karta in weerarka lagu dilay saraakiil cadaan ahaa oo ka qeyb qaadanayay dagaalka sadaxda maalin ka soconaya duleedka Magaalada Xaradheere.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u garab istaagi laheyd maleeshiyaadka deegaanka ee la dagaalamaya xoogaga Al shabaab ee ka howlgala deegaanada iyo degmooyinka gobalka Mudug.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in deegaanadii lagu dagaalamay intooda badan gacanta ay ku hayaan Al shabaab dhanka Caad iyo Maamiyo ayaa la sheegay iney difaac ugu kala jiraan maleeshiyada deegaanka ee la dagaalamaya Xarakada Al shabaab.

Dhageyso  Codka: Ruux Kamid Ah Maleeshiyada Al Shabaab La Dagaalameysa

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here