Tababar Loo Xiray Ciidamo Cusub Oo La Dagaalama Al shabaab + Sawirro

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tababar usoo xiray Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ee saldhigoodu yahay xerada ciidanka General Goordan ee Muqdisho.

Wasiirka 1-baad ee Xukuumada Somaaliya oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa kahor inta uusan ciidanka tababarka usoo xirin waxa uu kormeer ku sameeyay xarunta ciidanka isla markaana la qadeeyay ciidanka.

“Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah. Maanta dalkeenna waxaa bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali.

Khayre.Ciidankan ayaa loo diyaariyay in ay Al shabaab ka saaraan deegaannada ay ka maamulaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu danbeyn kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo tababarayaasha oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sare u qaadidda tababarrada, difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyo dagaalka Alqaacidda Soomaaliya ee Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here