Xildhibaano ka tirsan Dowladda Dhexe ayaa lagu eedeeyey inay dariis Ciidan ku wareejiyeen Dhalinyaro aan ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amniga Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo kaasi oo khilaafka dhex abuuray Ciidanka Degmada iyo dadka dariiska lagu wareejiyey.
Dariiskaan ayaa la sheegay in lagu Wareejiyey Dhalinyaro qaarkood ay Xamaaliyaal ka yihiin Degmada Ceel-waaq sida uu Idaacada Simba u xaqiijiyey xusseen daahir cali oo ka mid ah Saraakiisha amniga ee dagmada Ceel waaq.
Dhankale Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in rag hubeysan oo la aaminsan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin lagu arkay meel degmada Ceel-waaq uga Beegan Dhanka Kenya.

