Maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay in ciidanka abaabulan ee dadka deegaanka ay Al-shabaab uga adkaadeen dhamaan dagaaladii saacadihii ugu dambeeyey ka dhacay Deegaanada Hoos-yimaada Degmada Xarardheere ee Koofurta Gobalka Mudug.
War ka soo baxay Wasaarada Amniga Galmudug ayaa lagu Xaqiijiyey in Ciidanka Deegaanka ay u suurta-gashay inay dib ula Wareegaan Deegaanka Caad iyo Tuulooyin ku Xeeran, kadib markii ay ka itaal roonaadeen Al-shabaabkii Deegaanka soo Weeraray.
Wasiir ku Xigeenka Amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed oo u Waramey Idaacada Simba ayaa Sheegay in Ciidanka dadka deegaanka ay guulo ka gaareen dagaalkii Shalay ilaa maanta ka dhacay Koofurta Gobalka Mudug, waxaana Xusay Al-shabaab ay dad Rayida aargoosi ugu dileen deegaanada dagaalku ka dhacay Shalay iyo Maanta.
Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in ciidanka deegaanka ay awood buuxda u yeesheen in Al-shabaab ay ku qabanaadaan inay dib ugu laabtaan Degmada Xarardheere Gobalka mudug oo ah halka degmo Al-shabaabku ay ka maamulaan Gobalka Mudug.
Dagaal shalay bilowday ilaa maanta ayaa lagu dhaliilay Maamulka Galmudug in uu ka gaabiyey gacansiinta dadka deegaanka oo hubka qaatay ka dib markii sida la sheegay Al-shabaab ay ku qasbeen inay bixiyaan caruurta da’da yar si ay u askareeyaan.

